Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo xarunta KMG ee KGS

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay goor dhaw qarax miino goob Suuq ah oo ay dadku ku badanyihiin.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo xarunta KMG ee KGS

BAYDHABO, Soomaaliya - Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhacay Qarax noociisu yahay kuwa goobaha lagu diyaariyo, qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Qaadka magaalada Baydhabo.

Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa 3 ruux ay ku geeriyoodeen goobta, halka 7 ruux oo kalena uu dhaawac kasoo gaaray waxaana la geeyay dhammaan dadkii wax ku noqday qaraxaasi Isbitaallada magaaladda Baydhabo.

Ma jirto cid sheegatay dhibaatada uu qaraxu geystay balse sida caadada ah weerarrada nuucan oo kale ah waxaa caan ku ah kooxda Al-Shabaab.

Laamaha amniga dowlad goboleedka KGS weli kama hadlin mashaqada meesha ka dhacday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.