Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax loo adeegsaday miidanada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay dagmada Shibis ee Goobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxa waxaa lala beegsay gaariga Gudoomiyaha Golaha Hormarinta Danaha Beel-weynta Mudulood, Muxudiin Xasan Afrax.

Wararka ay heleyso Keydmedia Online ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira waxaana dadka dhaawucu soo gaaray ka mid ah Muxudiin Xasan Afrax.

Xuseen Caraale oo ah xildhibaan hore ayaa ka mid ah dadka dhaawacmay, halka ugu yaraan afar askari oo gaariga qaruxu haleeyay saarnaa geeriyoodeen.

Nabaddoon, Muxudiin Xasan Afrax  ayaa dhamaadkii bishii December ee lasoo dhaafay ka badbaaday qarax lagula eegtay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dowladda uu Farmaajo hoggaamiyo ayaa si buuxda kaga soo hor jeedday shirkii Beel-weynta Mudulood ee sanadkii hore lagu qabtay Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.