Qarax ka dhacay wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho

Qarax xooggan ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho,  waxaana ka dhashay qasaaro dhaawac oo soo gaaray ciidan iyo dad shacab ah.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya –  Qarax loo adeegsaday nuuca dhulka lagu aaso ee goobaha fog-fog laga hago ayaa daqiiqado yar ka hor ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la dhigay hareerta wadada aadda garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, gaar ah meel u dhow huteelka Afriik oo kaabiga ku haya isgooska Lambar afar ‘KM4’.

Sida ay xaqiijinyaan warar hor dhac ah, qaraxa waxaa lala beegsaday, Kornayl Maxamed Daahir Taliyaha Ciidanka Eregta ‘Ciidanka Ilaaliya dhammaan xarruumaha dowladda’ ee Booliska Soomaaliya, wuuna ka badbaaday.

Hayeeshee, waxaa dhaawacyo soo gaareen ilaalada Kornayl Maxamed, halka la soo warinayo inuu jiro qasaaro soo gaaray dad shacab ah.

Wixii ku soo kordha kala soco bogga wararka Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.