Qarax ka dhacay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya

Qarax miino oo qasaara dhaliyay ayaa ka dhacay waqooyiga Kenya, meel u dhow xadka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya

MANDHEERA, Kenya - Ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay oo ka dhacday degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari, sida ay booliiska Kenya xaqiijiyeen.

Rono Bunei, oo ah taliyaha booliska gobolka Waqooyi-bari ayaa sheegay in shilka uu dhacay xilli saraakiisha amaanku ay safar ahaayeen, miino dhulka lagu aasayna ay kula kacday gaarigi ay saarnaayeen wadada Omarjillo-Arabia.

“Qofna ma sharixi karo sida Miinooyinkaan loo dhigo waddooyinka iyadoo aysan ka warqabin dadka degaanka," ayuu yiri Bunei.

Wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay dhacdadan aan la helin maadaama ay baxsadeen, isagoo intaa ku daray in ciidamada amaanka ay halkaas gaareen waxyar kadib markii uu qaraxu dhacay si ay amniga u xaqiijiyaan.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo la sheegay in ay si gaar ah u tababaran yihiin la geeyay Mandheera si ay wax uga qabtaan Amniga faraha ka baxay ee degaanka, kaas oo ay si xooggan Kooxda Al-Shabaab uga howl-galaan.

Gobolkan Soomaalidu u badan tahay ayaa daris la noqday amni darro baahsan tan iyo markii Ciidamada Kenya galeen Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.