Qarax kale Muqdisho ka dhacay

Dhowr askari oo kamid ah ilaalada Maareeyaha ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay weerarka oo dhacay saacado kadib markii xalay qarax Is-miidaamin ahaa lagu dilay ugu yaraan 10 qof.

Warar Keydmedia Online
Qarax kale Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Washinton ayaa saakay qaraxa lagula eegtay Isgoyska Miranaayo, oo katirsan degmada C/casiis xili uu shaqadiisa kusii jeeday.

Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo Capt Maxamed Xuseen ayaa u sheegay Keydmedia Online ina qaraxa uu ahaa miino la dhigay jidka dhiniciisa, taasoo lala eegtay Gaariga Maareeyaha Dekadda.

Wuxuu intaasi ku daray in Axmed Washinton uu ka badbaadey weerarka, balse ay ku dhaawacmeen, kuna dhinteen dowr askari oo ilaaladiisa kamid ah. Goobta waxaa markii dambe gaarey Ciidanka DF oo meesha ka soo wadey Maareeyaha.

Waa qaraxii labaada oo tan iyo xalay ka dhacaya Caasimadda Soomaaliya, xili dalka uu galay marxalad doorasho ay dhacdooyinkan soo badanayaan, iyadoo Al-Shabaab ka faa'daysanaya mashquulka madaxda qaranka ku yihiin ololahooda doorashadda.

Nin isku soo xiray walxo qarax oo naftii-halige ah ayaa xalay fiidkii isku qarxiyay meel mac-macaanka lagu iibiyo oo Gelato Divino lagu magacaabo, oo ku taalla wadada isku xirta KM-4 iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxaa ku dhintay weerarka dad u badan dhalinyaro Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.