Qarax khasaaro gaystay oo Caawa ka dhacay Kismaayo

Dadka goobjooga ahaa ayaa u sheegay Keydmedia Online in dhaawacyada loola cararay Isbitaalka guud ee magaaladda, iyadoo goobta ay soo gaareen Ciidamada Jubaland.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaaro gaystay oo Caawa ka dhacay Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Ugu yaraan 2 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen, 4 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax Caawa ka dhacay bartamaha magaaladda Kismaayo, oo hadda xarun u ah Maamulka Jubaland, ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Goobjooge la hadlay Keydmedia Online ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhashay Bam-gacmeed lagu tuurey goob maqaayad ah, oo xiligaas dad badan ku sugnaayeen salaadii Maqribka kadib, taasoo sababtay khasaaro isahu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Goobta uu weerarka dhacay waxay ku taallaa Xaafadda Farjanno, waxaana wali la ogeyn sababta Maqaayadda loo beegsaday iyo cida xiligaas ku sugnayd. Inta badan goobaha shaaha lagu cabo ee magaaladda waxaa fariista askarta Jubaland iyo Xildhibaanada.

Khasaaraha ayaa laga yaabaa inuu intan ka bato, maadaama xili habeen tahay, oo booliskuna wax fahfaahin ah bixin.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.