Qarax khasaaro geeystay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax Sababay qasaare xooggan ayaa dhawaan ka dhacay xaafadda Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaaro geeystay oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Siyaasadda ee degmada Deyniile, Cabdi Maxamed Maxamuud, ayaa ku geeriyooday miino loo dhigay gaarigiisa oo marayay wadada aadda xaafadda Daarusalaam.

Allaha u naxariistee, Cabdi Maxamed Maxamuud, oo dhaawac halis ah qaruxu gaarsiiyay, ayaa loo qaaday Isbitaal, wuxuuna wax yar kadib u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Wararku waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha ay geeriyoodeen, halka qaar kalana dhaawac yihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii Ex-Koontarool Afgooye, lagu dilay Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Axmed Xayle, oo hoyaad u ahaa xaafaddiisa.

Amini darrada ka jirta Caasimadda ayaa aad loo dareemay, tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan, waxaana dhawaan qarax ka badbaaday xoghayaha degmada Deyniile, Mahad Maxamed Shiraawe, halka taleefadii laga dhacay taliyaha Nabad-sugida degmadda Kaaraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].