Korneyl dhaawac kasoo gaaray Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax lala beegsaday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa wuxuu ka dhacay meel udhaw xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Korneyl dhaawac kasoo gaaray Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay meel udhaw xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, waxa uuna geystay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac askartii la weeraray iyo dad shacaba oo goobta ka dhawaa.

Sida Keydmedia Online ay u xaqiijiyeen goobjooge yaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka la dhigo ayaa wuxuu ka dhacay meel udhaw xerada Afisiyooni waxaana lala beegsaday Col. Cumar Cabdiraxmaan oo Ciidanka Xoogga ka tirsan, iyadoo naloo sheegay inuu soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale saddex kamida ilaaladiisa ayaa qaraxa ku dhaawacmay, hal qof oo shacab ah goobtana marayay wuu ku dhintay.

Qaraxyada noocan ah ayaa toddobadyadii ugu danbeeyay ku soo badanayay Caasimadda, waxaana faraha ka baxay amniga Magaalada Muqdisho. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.