Qarax lala damacsanaa Muqdisho oo la fashiliyay

Gaariga waxaa lagu diyaariyay Tuuladda Cad-Cadeey, oo ku taalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala damacsanaa Muqdisho oo la fashiliyay

AFGOOYE, Soomaaliya - Ciidanka DANAB ayaa ku guuleystay inay qabtaan Gaari nooca loo yaqaano HOMEY, oo lagu xiray walxaha qarxa kaasoo kusii jeeday magaaladda Muqdisho.

Saraakiisha Ciidanka waxay sheegeen in howlgalka qaraxa looga hirtagay uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Cad-Cadeey oo 35-KM uga beegan Waqooyi Galbeed Caasimadda Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa markii ay arkeen Gaariga waxay ku wargeliyeen Ciidanka dowladda, gaar ahaan DANAB taasoo keentay in meesha lagu diyaarinayo ay Ciidanku tagaan kadibna ay gacanta ku dhigaan qaraxa iyo kuwii diyaarinayay.

Ciidanka DANAB ayaa saakay sameeyay howlgallo kale oo ka dhan ah Al-Shabaab-ka ku sugan duleedka Afgooye oo halkaasi kasoo abaabulo weerarada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

Tuulooyinka ku yaalla nawaaxiga Afgooye qaar kamid ah ku jiraan gacanta Al-Shabaab, iyadoo Ciidanka DF ay sanadkii tagey la wareegeen Caanoole, Sabiid, Bariire, Awdheegle iyo Janaale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.