Qarax lala eegtay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid

Qarax xooggan ayaa laga maqlay qaar kamida Xaaada magaalada Muqdisho, qaraxaas oo lala eegtay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid inkastoo uu ka badbaaday.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa daqiiqado kahor laga maqlay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa laga maqlay qaar kamida Xaafadaha magaalada, waxaana xigay dhawaqa rasaas daba socotay qaraxa, taasoo inta badan la maqlo markii uu dhaco qarax in ay rasaas furaan ciidanka lala beegsaday qaraxa ama ka ag dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay.

Nuuca qaraxa la maqlay ayaa ah midka lagu xiro gawaarida, qaraxa ayaa lala eegtay gaari uu saarnaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, waxaana qaraxa ku dhaawacmay Askari katirsan ilaalada guddoomiyaha oo dhaawaciisa loola cararay, ciidamadii qaraxa ka badbaaday ee la socday gaariga guddoomiyaha ayaa rasaas huwiyay dadkii ka ag dhawaa goobta inkastoo aysan jirin qasaare ka dhashay rasaasta ay fureen askarta.

Warar kale oo ku saabsan qarax miino oo la fashiliyay ayaa ka dhacay meel u dhaw saldhigga degmada yaaqshiid, kaasoo ay ciidamadu ku guuleystaan in ay soo saaraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.