Qarax lagu soo beegay soo noqoshadda Axmed Madoobe ee Kismaayo

Maqaaxidda waxaa lagu beegsadey dad shacab ah, oo ku caweynayay, iyadoo Saraakiisha amniga ay qabteen dhowr qof oo lagu tuhmayo weerarka.

Warar Keydmedia Online
Qarax lagu soo beegay soo noqoshadda Axmed Madoobe ee Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qarax miino oo xalay fiidkii ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunga KMG Jubbaland.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay gudaha maqaaxi lagu magacaabo "Xeebta Lugaha ii Geli", waxaana dadkii ku dhintay ay ahaayeen dad shacab ah, oo goobta ku caweynayay.

Shan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay kuwaasoo la dhigay Isbitaalka magaaladda, sida ay boolisku sheegeen. Waxaan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka illaa hadda.

Qaraxa uu dhacay waxyar kadib markii Kismaayo uu kusoo laabtay Axmed Madoobe, oo mudooyinkii dambe ku maqnaa dalka Kenya, oo ah meesha maamulkiisa laga taageero.

Amniga Kismaayo ma ahan mid wanaagsan, oo la isku halleyn karo, waxaana inta badan ka dhaca qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, oo qaarkood la sheegay inay fuliyeen malleeshiyaadka Axmed Madoobe, oo dhibaato badan u geystay shacabka magaaladda tan iyo markii ay qabsadeen 2012.

Axmed Madoobe oo aan degaanka kasoo jeedin ayaa Kismaayo ku qabsadey Taangiga Kenya, isagoo dilay cid kasta oo kasoo horjeeday Maamulkiisa, waxaana magaalada ka cararay odayaal iyo ganacsato badan oo naftooda u baqay.

Kismaayo waa meesha kaliya uu si buuxda Axmed Madoobe uga taliyo Jubbaland oo dhan, Gedo iyo Jubbaland Hoose gacantiisa wali ma gaarin, iyadoo Jubbada Hoose qeybo kamid ah Al-Shabaab ku sugan tahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.