Qarax lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kaasoo lala damacsanaa in lagu khaarajiyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa halkaasi ka dhacay.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland

GAALKACYO, Soomaaliya - Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ka badbaaday isku-day dil kaasoo lala damacsanaa in lagu khaarajiyo, Sarkaalka ayaa saarnaa gaarigiisa xilli uu marayay magaalada Gaalkacyo, ayaa lala eegtay miino waddada dhinaceeda la dhigay taasoo la kacday gaarigii uu saarnaa sarkaalka, inkastoo uu ka badbaaday.

Sarkaalka ayaa lagu magacaabaa Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) waxa uuna la dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa uuna sarkaalkani ka tirsan yahay Laanta dambi-baarista Puntland ee C.I.D, -da.

Degaannada kala duwan ee Koonfurta, bartamaha Soomaaliya iyo Puntland waxaa ka dhaca dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab, mana muuqato tillaabo horumarineed oo la qaaday taasoo tilmaameysa in laga guuleysanayo kooxdan ku-dhufo oo ka-dhaqaaqa ku shaqeysata.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.