Qarax lala damacsanaa goob uu ku sugnaa Sheekh Shariif oo la fashiliyay

Wuxuu Sheekh Shariif ka qeyb-galayay aaska General Paul Lokech, oo kamid ahaa taliyeyaashii hogaaminayay Ciidanka AMISOM xiligii Al-Shabaab laga saarayay Muqdisho 2011.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala damacsanaa goob uu ku sugnaa Sheekh Shariif oo la fashiliyay

KAMPALA, Uganda - Ciidamada amniga dowladda Uganda ayaa kahor tagay Khamiistii qarax lala damacsanaa goob aas-qaran loogu sameynayay Major General Paul Lokech oo kamid ahaa taliyeyaashii AMISOM ee hormuudka u ahaa in Al-Shabaab laga saaro Muqdisho 2011.

Munaasabadda aaska waxaa ku sugnaa Sheekh Shariif, Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliyaa kaasoo taliyaha aqoon dheeraad ah u lahaa, maadaama xiligii dowladiisaa uu lasoo halgamayay, una suura-galiyay inay gacanta ku dhigno Caasimadda.

General Paul Lokech waxaa loo yaqaaney Libaaxii Muqdisho, maadaama uu aad uga dhex-muuqday howlgalkii xoreynta ahaa ee magaaladda looga sifeeyay Al-Shabaab.

Ciidanka Uganda ayaa qabtay ku qbatay magaalo waqooyiga ku taalla waqooyiga oo lagu magacaabo Pader Katumba Abdul, kaasoo rabey inuu isku qarxiyo goobta ay ku sugnaayeen Madaxda sare ee dalkaasi iyo marti uu kamid yahay Sheekh Shariif.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyey shirqoolka Jabhadda "Allied Democratic Forces (ADF)" oo ka dagaalamaysay Uganda tan iyo 1996-kii, sidoo kalena ka howlgasha bariga DR Congo, taasoo xiriir la leh Daacish.

Illaa hadda Sheekh Shariif kama uusan hadlan falkan qaraxa ee la qorsheeyay in lagu weeraro goobta uu joogay, waxaana xusid mudan in Uganda ay Al-Shabaab ka fulisay lao qarax July 2010, kaasoo la eegatay goob ciyaarta Koobka Adduunka lagu daawanayay Kampala.

Ugu yaraan 74 qof ayaa ku dhimatay, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxyada in ka badan 85 qof, wuxuuna noqday weerarkii ugu horeeyay oo Al-Shabaab ka fuliso dalka Uganda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.