Qarax lala eegtay ciidamada Qeybta 21-aad ee Galmudug

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay ciidamada milatariga soomaaliya Qeybta 21-aad ee deegaanada Galmudug ka howl gala, xilli ay ku socdaalayeen deegaan hoos taga Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay ciidamada Qeybta 21-aad ee Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wararka laga helaayo xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah lala beegsaday ciidamo ka tirsan milatariga soomaaliya kuwaasoo baryahan howl gallo ka waday deegaano hoos taga Dhuusamareeb oo kooxda Al-Shabaab ka wadeen howlo qal-qal galin ah.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan ka lagu magacaabo Sina-Dhooqo oo hoos taga Dhuusamareeb, waxaana goobta ku geeriyooday sida lagu soo warramayo laba askari oo ka tirsan ciidamada milatariga halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawaca iyo meydka askarta loo soo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada nuucan oo kale ah kuwaasoo kooxda Al-Shabaab ay ka geysanayeen deegaano hoos yimaada Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.