Qarax lala eegtay Ciidamo Kenyan ah

Miinadan qaraxday ayaa ahayd mid aad u xoog badan.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay Ciidamo Kenyan ah

Qarax miino oo wadada dhinaceeda ku aasneyd ayaa lalal eegtay kolonyo ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaas oo marayey duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Miinadan ayaa haleeshay mid ka mid ah gaadiidka ay la socdeen ciidankan, lamana oga khasaaraha soo gaaray inta uu la egyahay, waxaana la sheegay in askartan ay rasaas badan fureen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.