Qarax lala eegtay Mas’uul degmo

Qarax miino dhulka lagu duugay ayaa waxaa lala beegsaday mid kamida guddoomiye ku xigeenada maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay Mas’uul degmo

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo ka dhacay agagaarka Hotel Guuled ee Degmada Yaaqshiid ayaa lala beegsaday gaari uu lee yahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee dagmada Yaaqshiid, inkastoo xilliga la weeraray gaariga uusan saarneen guddoomiye ku xigeenka, waxaa jira khasaaro ka dhashay qaraxa kaasoo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah ilaalada guddomiyaha iyo shacab ka sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada nuucan ah ayaa kusoo badanaya maalmahan gobolka Benaadir, sidoo kalena waxaa weeraro kala duwan lagu qaadan mas'uuliyiinta degmada Yaaqshiid oo horay laba jeer oo isku xigta la weeraray guddoomiyeha degmada, isagoo ka badbaaday qarax miino oo la dhigay waddada dhinaceed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.