Qarax lala eegtay xarunta Asluubta

Qarax ismiidaamin ah ayaa lala eegtay illinka hore ee xarunta Asluubta, waxaana qaraxaasi geystay naftii hore qarax isku soo xiray oo watay Mooto.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay xarunta Asluubta

MUQDISHO, Soomaaliya - Mooto laga soo buuxiyey Walxaha qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Asluubta ee ku taalla Ex-Control Afgooye.

Ma jirto cid sheegatay, sidoo kale well ma jirto cid faah-faahin ka bixisay weerarkaasi oo la filayo inuu qasaaro geystay, maadaama uu ka dhacay illinka hore ee xarunta oo ah meel aad umashquul badan.

illaa iyo hadda ma jiraan qasaaraha uu geystay qaraxaasi iyo saameynta ka dhalatay, iyadoo lagu soo warramayo in albaabka xarunta ay ilaalo ka tirsan ciidanka Asluubta ay joogeen.

Weerarka ayaa loo adeegsaday Mooto, waana nuuca labada lug leh oo loo oggol yahay in ay maraan waddadaasi, gawaarida kale iyo mooto Bajaajtana horay ayaa looga mamnuucay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].