Why the US is deploying troops to Somalia
Kooxda Al-Shabaab oo ah xulafada Al-Qaacidada Bariga Afrika ayaa kordhisay weerarada, xilli ay ka socoto doorashada baarlamaanka Soomaaliya.
BALADWEYNE, Soomaaliya - Qarax Miino ayaa maanta lala beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiraan.
Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyada NISA xilli ay ku socdaalayeen howdka Ceel-jaalle ee dhaca duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamadu ka soo laabteen howlgal.
Ugu yaraan hal sarkaal ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay weerarkaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-Qaacidada Bariga Afrika ee Al-Shabaab, kuwaas oo sheegashadooda ku baahiyay warbaahinta ay xiriirka la leeyihiin.
Askarta dhaawacatay ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Beledweyne oo 350Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee degmada oo khadka taleefanka kula hadlay Keymedia English.
Weerarka maanta lagu qaaday NISA ayaa muujinaya sare u kaca weerarrada Al-Shabaab ee Soomaaliya, xilli ku dhawaad shan qarax ay ka dhaceen magaalada Muqdisho tan iyo bilowgii sanadka 2022-ka, kuwaas oo ay ku dhinteen tobaneeyo qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Talaadadii, Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay goob lagu qaxweeyo oo ku taalla ka soo hor jeedka xero lagu tababaro ciidanka oo lagu magacaabo Xero Nacnac, oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku naf-waayeen ugu yaraan afar ruux.
KEYDMEIDA ONLINE
Add comment
Comments