Qarax miino oo ka dhacay Baladweyne

Qarax nuuciisa lagu sheegay inuu yahay Miino dhulka lagu aasay ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Qarax miino oo ka dhacay Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Qarax xooggan kaasoo laga maqmay guud ahaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo, sida laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay miino dhulka lagu aasay ayaa la qarxiyay iyadoo aan la ogeyn ujeedada laga lahaa iyo cidda lala beegsanayay.

Dhimasho hal ruux ah ayaa la sheegay inkastoo uusan jirin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan qaraxa, guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu qarax miino ka dhacay magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howlwadaag, waxa uuna mas'uuliyadda qaraxaasi dusha kaga tuuray ururka Al-Shabaab, balse ilaa iyo hadda ma jirto sheegasho kooxdaasi ay dhabarka u ridanayaan in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Weerarada is qarxinta iyo miinooyinka dhulka lagu aaso waxaa aad ugu caan baxay kooxda dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab, shalay ayey qarax ismiidaamin ah ku dileen sarkaalkii ugu sarreeyay ciidamda xoogga dalka qeybta 21-aad ee Galmudug, iyo sidoo kale taliyihii ciidamada Danab ee fadhigoodu ahaa Galmudug, Gaalkacyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.