Qarax miino oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Gobolkan ayaa ah midka ugu Colaadaha badan Soomaaliya, waxaana ukumo dhigtay Al-Shabaab oo mudo ka badan 10 sano kula dagaalamaysa Ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Qarax miino oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa galabta ka dhacay degaanka Yaaqbariweyne, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, oo dagaallo xooggan ay ka socdaan mudo ka badan 10 sano.

Qaraxa waxuu haleelay gaari ay la socdeen askar katirsan Militeriga Soomaaliya oo wadada, waxaana ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey Ciidamada, inkastoo aan la ogeyn tirada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.