Qarax sababay dhimasho 6 ruux oo Muqdisho ka dhacay

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay goor dhaw magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay 6 ruux oo shacaba.

Warar Keydmedia Online
Qarax sababay dhimasho 6 ruux oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada 6 qof  tiro kale oo intaa ka badana wey ku dhaawacmeen sida la xaqiijiyey, halka Qaraxa uu ka dhacay oo ah Maqaaxi lagu magacaabo Jallaato Devino oo ku taalla aagga Airpot-ka diyaaradaha ee Muqdisho, kasoo horjeedka xarunta Sahal Terminal.

Wararka ayaa intaa waxay ku darayaan in goobta uu qaraxu ka dhacay ay tahay meel u dhaw halka uu daggan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana maqaaxida oo ku taal laamiga ay ahayd meel aad u camiran xilliyada habeenkii, waxaana fariista inta badan dhallinyarada magaalada Muqdisho, 

Qof isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada jalaato Devino oo kutaal wadada laga galo garoonka diyaaradaha Ee Adan Cade. Ruuxan is qarxiyay ayaa gudaha u galay maqaaxida.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.