Fahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meel fog oo kamid ah Caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa saakay abaare 8:15 A.M. waqtiga Soomaaliya laga maqlay magaaladda Muqdisho, kaasoo ay xigtay rasaas xoogan.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino ayaa ka dhacay wadada C/qaasim Salaad oo isku xirta Isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee degmada Hodon.

Lama oga khasaaraha balse wararku waxay sheegayaan in qaraxa lala eegtay kolonyo galbinaysay taliye sare oo katirsan Militeriga Soomaaliya oo kusii jeeday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Taliyaha ayaa ka badbaaday qaraxa, laakiin waxaa dhaawacyo soo gaarey askartii ilaalada u ahayd, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta laamaha amniga Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.