Qarax xooggan oo laga maqlay Muqdisho

Jugta qaraxa ayaa ahayd mid culus, oo laga maqlay meelo fog oo katirsan Caasimadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Qarax xooggan oo laga maqlay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax aad u xoog badan ayaa Saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho, abaare 7:50 A.M. waqtiga Soomaaliya, waxaana xigtay rasaas la riday.

Goobjooge la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka maqlay dhinaca jidka C/qaasim, oo isku xira KM4 iyo Tarabuunka, waxaana cirka isku shareey qiiq iyo uuro madow.

Fahfaahin, kala soco wararkeena dambe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.