Qarax xooggan oo Muqdisho ka dhacay

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka xeri ciidan oo ku taallo dhabarka dambe ee Stadium Muqdisho, sida ay goob joogayaal sheegayaan. 

Warar Keydmedia Online
Qarax xooggan oo Muqdisho ka dhacay
August 08, 2020 - 10:19:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

#Update: Gaari laga soo buuxiyey walxaha Qarxa ayaa gudaha u galay Xerada guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka taasoo ku taalla dhabarka Isbartiibada ama ku dhow Xero cuuryaamiinta.

Dhaawac iyo dhimasho fara badan ayaa jirta oo uu sababay Qaraxa baaxaddiisa.

Ciidanka halkaas jooga ayaa dalbanaya gurmad badan oo Ambulace ta ah

Qarax xooggan oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabada ayaa goordhaweed ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana lagu soo waramayaa in uu ka dhacay agagaarka Garoonka isbartiibada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray xero ciidan ku taalla dhabarka dambe ee Garoonka Stadium Muqdisho, isla markaana uu jiro khasaaro badan oo ka dhashay qaraxa.

Wixii ku soo kordho Keydmedia Online kala soco inshallaah.

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.