Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Qarax xooggan ayaa Saakay magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo

Qaraxan oo ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa Ciidamda Kenya lagula eegtay goor ay marayeen xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku bur buray Gaarigaasi oo ay saaraayeen Askar Kenyan ah.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi laakiin Wararka KON soo gaaraya ayaa sheegaya in 4 Askar dhaawac soo gaaray, labanah ay haatan ku jitaan Kooma.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Wixii kusoo kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo