Qarax ka dhacay Huriwaa

Muqdisho (Keydmedia Online) - Qarax khasaare geystay ayaa manata Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya lagula eegtay degmada ee gobbolka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Huriwaa

Qaraxaan oo ahaa Miino ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaasoo maraayay Washadii hore ee Coca Cola, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada iyo dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa qaraxaasi ku geeriyooday halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale. waxaana uu khasaare dhimasho iyo dhaawac sidoo kale uu soo gaaray Ciidamada la qarxiyay waloow aan la heynin tirada khasaarahooda.

Qarax kadib Ciidamda Dowladda waxaa ay sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay ku soo qab qabteen inka badan 30 qof oo ay ku xaririnayaan inay ku lug lahaayeen qaraxaasi.

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho