Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Dad la soo qabtay

Muqdisho (KON) - Xili Salaadii Subax kadib Wadada Maka Al-mukarama lagu Qarxiyey mid kamid ah Baaleyaasha ku shaqeya Cadceed ayaa Ciidamada Amaanka waxaa qaraxasi ay u soo qabteen in ka badan 13 ruux.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Dad la soo qabtay

Ciidamada  Booliska iyo Nabadsugida oo is kaashanaya  ayaa saaka waabarigii baaritaano ka fuliyey inta u dhaxeysa KM4 iyo Guriga Shaqaalaha halkaa oo lagu Qarxiyey Baale ka mid ah kuwa Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgaliyeen Magaalada Muqdisho.

Dadka goob joogeyaal ah ayaa Keydmedia u sheegay  in 13-ka qof ee Ciidamadu ay soo qabteen ay is kugu jiraan Ganacsato wax ku iibsata wadada hareeraheeda iyo Dhalinyaro ka ag dhaweyd goobta.

Waayihii danbe ayaa waxaa muqdisho caadi ka noqotay Qaraxyada lala eegto Baaleyaasha ku Shaqeeya ileyska Qoraxda, kuwaas oo ay fulinayaan Dad kasoo horjeeda Hormarka ka socda Dalka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho