Qarax ka dhacay Nairobi

Nairobi (KON) - Qaraxyo Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, gaar ahaan Xaafada ay Soomaalidu dagto ee Eastleigh (Islii), waxaana ku dhinatay ugu yaraan Lix Qof.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Nairobi

Ugu yaraan Lix Qof ayaa ku dhimatay, halka 12 Qof ay ku dhaawacantay Labo Qarax oo Caawa ka dhacay Xaafadda Soomaalidu dagto ee Islii.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Dukaan ku yaalla agagaarka waddada Kow iyo Tobonaad ee Xaafada.

Booliska Nairobi ayaa sheegay in Labo Qarax ay ka dhaceen goobta, inkastoo Dad Goobjoogayaal ahaa ay sheegayaan in ay maqleen Saddex Qarax.

Wixii Faah-faahin ah kala soco Wararkeeni Bari Subax

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi