Qarax Ka Dhacay Saldhig Ay Shabaab Ku Leeyihiin Kismaayo

Kismaayo (KON)- Goobjoogayaal ku suggan Magaalada Kismaayo ayaa Keydmedia u sheegay inay hal mar ka war heleen qarax xooggan oo ka dhacay saldhig ay Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay ku leeyihiin magaaladaasi.
Warar Keydmedia Online
Qarax Ka Dhacay Saldhig Ay Shabaab Ku Leeyihiin Kismaayo

Qarax ayaa ka dhacay xarunta Warshadii hore ee Hilibka ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay Maleeshiyaadka Shabaab ka ku leeyihiin xarun ciidan oo weyn.

Inkastoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan sida uu qaraxa u dhacay iyo waxa uu ka dhashay ayaa haddanah warar hoose oo aan helnay waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay Bambooyin, walxaha qarx iyo huwab xarunta qaraxa uu ka dhacay yaalay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, waxaana xiligii uu qaraxaasi dhacaayay xarunta qaraxa uu ka dhacay ku suggnaa Maleeshiyaad iyo horjoogayaal Shabaab ka tirsan.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa gabi ahaanba dadka u diiday inay ka soo ag dhawaadaan halka uu qaraxa ka dhacay taasoo adkeysay in la ogaado khasaaraha qaraxa ka dhashay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo