Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Mandheera

Mandheera (KON)- Qarax khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay degmada Mandheera ee gobbolka Waqooyi Bari Kneya, ayadoona qaraxaasi uu ka dhashay khasaare soo gaaray Ciidamo ka tirsan Kneya.
Warar Keydmedia Online
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Mandheera

Qaraxa oo ahaa Miinada meelaha fog fog laga hago ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada ka haya xuduuda Kenya.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 5 ka tirsan Ciidamada Kenya ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi, halka uu jiro khasaare dhaawac oo Ciidamo kale soo gaaray.

Kooxihii qarax ka dambeeyay ayaa la sheegay inay u soo talaabeen dhanka dalak Soomaaliya, waxaana looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Shabaab.
Qarax kadib Ciidamada Kenya waxaa ay sameeyeen howlgallo aad u ballaaran waxaana ay xabsiyada u taxaabeen dad badan oo ay Soomaali u badanyihiin.

Keydmedia Online -Xafiiska,Kismaayo