Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Ugu yaraan 6 Qof oo kamid ah Maleeshiyada Kooxda Raas Kambooni ayaa ku dhaawacmay Qarax Culus oo ka dhacay Magaalada Kismaayo, ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Kismaayo

Goobjoogiyaal ayaa KON u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa nooca Bamka Gacanta ah Xalay lagu weeraray Fariisamo ay Maleeshiyada Raas Kambooni ku leeyihiin Xaafadda Shaqaalaha, iyadoo Qarax uu dhaawac u geestay 5 Askari.

Qaraxa kadib, Rasaas ay fureen Maleeshiyada Raas Kambooni ayaa lagu soo waramayaa inay waxyeello kala duwan ay u geysatay Dad Shacab ah oo ku nool meel u dhaw Saldhiga la weeraray ee Xaafaadda Shaqaalaha.

Wararkii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in Saakay oo Sabti ah ay ka billaabeen Maleeshiyada Axmed Madoobe Howlgallo Raaf ah, oo ay ku qab qabanayaan Dhalinyarada & Odayaasha ku nool Xaafadda Shaqaalaha oo Xalay Qaraxa ka dhacay.

Kismaayo waxa ka socda tan iyo 2013-kii Loolan Siyaasadeed oo u dhaxeeya Beelaha Axmed Madoobe & Col. Barre Hiiraale, kuwaasi oo isku haya Maamulka Magaalada oo ah Magaalo ay degaan Beelo kale oo laga xoog badan yahay, xaqoodana la duudsiiyay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho