Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Muqdisho (KON) Wararka degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ka imaanaya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay fariisin ciidamada ay ku lahaayeen duleedka degmadaas.
Warar Keydmedia Online
Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose



Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxaan uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso isla markaana lala eegtay ciidamada dowlada Soomaaliya

Saraakiisha dowlada ayaa ka gaabsaday khasaaraha ka soo gaaray ciidanka dowlada laakiin ilo ka madax bananaan ayaa sheegay in khasaaro uu jiro.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu ku geeriyooday askari ka tirsan dowlada sidoo kalana uu ku dhaawacmay askari kale.


Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay iney fishiliyeen qaraxo kale oo la doonayay in laga geesto gobalkaasi inkastoo maanta uu qaraxaan dhacay.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho