Qarax Saakay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Qarax miino ayaa saakay ka dhacay isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho waxaana ilaa iyo hada ku dhintay 1 ruux inta 3 kalena ey ku dhaawacmeen-
Warar Keydmedia Online
Qarax Saakay ka dhacay Muqdisho

Qaraxaasi ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nooca laga hago rimoodka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in miinada lagu arkay meel u dhaw albaabka maqaayada Al Xarameyn ee ku taala agagaarka Boosteejada baabuurta ee magaalada Jowhar halkaas oo ay fariistaan ciidamo ka tirsan dowlada.

Qaraxa waxa uu dhacay kadib marki uu nin askari ah isku dayey inuu aado xaga miinada, waxaana qofka dhintay lagu sheegay askarigaasi halka kuwa kale ee dhaawaca ahna uu firir ugu tagay meeo fog.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho