Qarax weyn oo gilgilay magaalada Galkacyo

Galkacyo (Keydmedia) - Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug, Qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Warar Keydmedia Online
Qarax weyn oo gilgilay magaalada Galkacyo

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Keydmedia ayaa waxa ay sheegeen in Qaraxa uu ahaa Miino taasi oo lagu aasay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay intaa raacinayaan in Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay isku dayeen inay ka saaraan goobta Miinada lagu aasay, hase ahaatee ay la qaraxday.

Inta laga warqabo 3 ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland qeybta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ku geeriyoodeen, halka 6 kamid ah Ciidamadaasi ay ku dhaawacmeen.

Kahor inta uusan Qaraxa dhicin ayaa la sheegay in Kooxihii goobta ku aasayay Qaraxa oo gaaraya sida la sheegay ilaa 2 Qof ay israsaaseen dhexmartay Waardiyaal goob Ganacsi ilaalinayay, halkaasina uu ku geeriyooday mid kamid ah Kooxihii aasayay Miinada.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ee dhanka Waqooyiga Gaalkacyo oo aan la xiriirnay ayaan inoo suura galin inaan qadka Telfoonka ku helno si aan wax uga weeydiino Qaraxa dhacay.

Qaraxa ayaa wuxuu dhacay Aroornimadii saaka, iyadoo Kooxihii aasayay mid kamid ah xalay la toogtay xilliga ay ku howlanaayeen aasida Waxyaabaha qarxa oo ay ku aasayeen Xaafadda Garsoor.

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho