Qaraxyo is xig xiga oo lagu Weeraray Xarunta Ciidamada Nabadsugida ee Muqdisho

Muqdisho (KON) - Qarax Xoogan oo loo maleenayo Ismiidaamin ayaa Daqiiqado ka hor ka dhacay Dhabarka danbe ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Saldhig Ciidamada Nabadsugida ay ku leeyihiin Aaga Madaxtooyada.
Warar Keydmedia Online
Qaraxyo is xig xiga oo lagu Weeraray Xarunta Ciidamada Nabadsugida ee Muqdisho

Qaraxa ayaa la sheegay in lala Beegsaday Godka Jilicoow oo Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay Dadka ku xiraan, waxaana la sheegay in uu Qaraxa ahaa Ismiidaamin.

Rasaas Goos goos ah ayaa dhaceysa, lamana oga Khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa ka dib ay Goobta waxaa Soo gaaren Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Update: Keydmedia Online - 12:02 - Waxaa dhacay Qarax Labaad, iyadoona mid kamid ah uu ka dhacay Albaabka laga galo Xarunta Godka Jilacoow ee Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale goobta ka baxaya Qiiq iyo Uuro, waxaana Goobta isku gadaamay Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa AMISOM,iyadoona Dhaawacyo la soo Gurayo

Update:12:32: Qarax Afaraad ayaa wuxuu haatan ka dhacay Gudaha Xarunta Hay'adda Nabadsugida Magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhacay Xarunta Godka Jilacoow.

Waxaa sidoo kale Xarunta wali ka socota Rasaas ay isweydaarsanayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kooxda Hubeeysan ee Weerarka soo qaaday.

Faahfaahin Keydmedia Online kala soco

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.