Qarax Xooggan oo ka dhacay Mombasa

Muqdisho (KON) - Waxaa Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ka dhacay Qarax Qasaaro u gaystay Ciidamo badan oo ku sugnaa Goobtaasi.
Warar Keydmedia Online
Qarax Xooggan oo ka dhacay Mombasa

Wararka ayaa sheegaya in ilaa Tobon Askari oo ka tirsan Booliska Kenya ey ku dhaawacmeen.

Qaraxaan ayaa ahaa Bam gacmeed lagu tuuray xilli ay Ciidamada howlo baaritaan ah ka wadeen guri ku yaalla xaafadda Likoni ee magaalada Mombasa.

Booliska ayaa guriga ay weerareen waxay ka heleen labo qori, labo bambo iyo rasaas.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho