Qaraxa iyo Weeraro Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO (Keydmedia) - Qaraxa goordhow ka dhacay Nawaaxiga Masjidka Nasrudiin ee Degmada Howlwadaag ayaa ku dhaawacmay Ilaa 3-ruux oo dhamaantood ahaa dad Shacab ah, kuwaasi oo ka agdhawaa Goobta Qaraxa lagu tuuray.
Warar Keydmedia Online
Qaraxa iyo Weeraro Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Keydmedia in Qaraxa uu ahaa Bom-ka Gacanta laga tuuro kaasi oo lagu weeraray Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn Masjidka.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoo mid kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi Xaaladiisa Caafimaad laga deyrinayo.

Lama oga Cida ka dambeysay Weerarka Bambada ah ee lagu weeraray Masjidka waxaana durba Qaraxa kadib Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo Baaritaano goobta ka bilaabay, mana jirto ilaa hadda dad loo soo qabtay Weerarkaasi.

Dhanka kale, Kooxo hubaysan ayaa 3 Asakri oo ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku dilay Maanta Isgoyska Maana-Booliyo ee Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kal 1 Qof ayaa ku dhintay 3 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Ciidamada kawada tirsan ay isku rasaaseeyeen Meel lagu qeybinayay Raashiin Gargaar oo ku taalla degmadda Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qofka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay ahaayeen Dadkii Barakacayaasha ahaa ee Goobta ku sugnaa.

Maalmihii dambe waxaa soo badanayay Falalka ka dhanka ah Ammaanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.