Qaraxii Buurdhuubo oo Dad loo qabtay

Buurdhuubo(KON)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo,gaar ahaan kuwa ka howlgala Degmada Buurdhuubo ee Gobolka ka warbiyey Howlgallo Dad lagu qab qabtay oo Degmada Laga sameeyey.
Warar Keydmedia Online
Qaraxii Buurdhuubo oo Dad loo qabtay

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Ilaa iyo Saddex Qof ay u soo qabteen Qaraxii Shalay ka dhacay Maqaaxi ku taala Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Jaamac Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa Keydmedia online u sheegay in Ciidamada Dowladda Baaritaano ay Degmada ka sameeyeen ay ku soo qabteen Saddexdaan Ruux oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in Dadkaan la soo qabteen ay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen Dadkii ka danbeeyey Qaraxii Shalay Degmada ka dhacay.

Jaamac Muuse ayaa sidoo kale sheegay in Deegaano hoostaga Degmada Buurdhubo ee Gobolka Gedo ay Ciidamada ka fuliyeen Howlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab.

Shalay ayaa Qarax Miino waxaa uu ka dhacay Maqaaxi ku taala Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho