Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Qaraxa ayaa ahaa Bambo Gacmeed ah oo lagu tuuray Baabuur Bas ah oo marayay Dariiqa Pangani una socday Xaafadda Easleight ee magaalada Nairobi.
Baskaan 'Matatu' ayaa siday Dad Rakaab ah oo u socday Xaafadda Eastleigh (Islii), wuxuuna Qaraxu dhacay Xili Baskaan uu marayay Agagaarka Saldhigga Booliska ee Magaalada Nairobi.
Taliyaha Booliiska Kenya, Benson Kibue oo la hadlay Warbaahinta ayaa yiri "Qaraxaan wuxuu aha mid Xooggan (...) Dadkii dhaawacmay waxyeello xooggan ayaa gaartay, waxaa laga yaabaa in dhimashadu ay sii badato, maadaama dhaawacyada qaar ka mid ah ay halis yihiin."
Hay'adda Kenya Red Cross ayaa sheegaysa in ugu yaraan 10 Qof uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Ma jirto cid sheegatey Weerarka, waxaana Nairobi kusoo badanaya Qaraxyadda lala eegsanaya Baasaska, waana Qaraxii Sadexaad oo Todobaad gudahiisa ka dhacay Nairobi.
Kenya ayaan weli ka soo kabsan Werarkii loo geystey Suuqii Westgate.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments