What do the Somali people expect from their new president?
Fariisin ay ciidamada boolisku ku leeyihiin Boosaaso ayaa caawa lagu weeraray bumbooyin gacanta laga tuuro.
BOOSAASO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online ugu warrameen dadka degaanka, labo qarax ayaa caawa ka dhacay xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.
Qaraxyadaan oo nuucoodu ahaayeen bumbada gacanta laga tuuro ayaa lagu weerar goob ay fariisin ku leeyihiin ciidamada booliska, mana cadda qasaaraha ka dhashay.
Boosaaso, waxa ay todobaadyadii na-weydaartay wajaheysay xaalad amni oo adag, waxaana ku wada sugan ciidamo iska soo hor jeeda, kuwaas oo dhawaan dagallamay.
Dadaallo ay wadeen odayaasha dhaqanka Bari, oo lagu kala qaadayo labada ciidan oo kala taabacsan Siciid Dini iyo hoggaanka PSF, ayaan wali si buuxda u mira dhalin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments