Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Qaraxa 1-aad ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Gubta halka loo yaqaano goofka shiraaye oo ciidamada dawlada fariisin ku leeyihiin.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa markii uu dhacay ka dib ay xigtay rasaas xoogan oo ay iswaydaarsanayeen ciidamada dowlada dowlada iyo kooxaha weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.
Sidoo kale qarax bambaano ayaa waxa lagu weeraray guri ciidamada Nabad Sugida ka deggan yihiin xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid halkaasi oo habeenkii afaraad qaraxyo lala beegsanayo.
Wali lama oga inta uu la egyahay qaraxyadaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu weeraray xarumaha ciidamada dowlada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Saraakiil uhadashay Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen in qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ay iyagu ka dambeeyeeen islamarkaana lagu dilay ciidamo katirsanaa dawlada Somalia.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments