Qarax ka dhacay Xaafada Islii

Nairobi (KON) - Waxaa Maqribnimadii Caawa markey Saacadu aheyd 5:30 ayaa Supermarket ku yaala Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ka dhacay Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Xaafada Islii

Qaraxaan ka dhacay meel u dhaw Garoonka Ciidamada Cirka ee Moi Air Base ayaa ilaa iyo hada ku dhinteen 2 Ruux meeshee 4 Qof ku dhaawacmeen.

Wali lama oga siduu Qaraxu u dhacay iyo Dadka ka dambeeya. Warbaahinta Keydmedia Online (KON) oo la hadashay Dad Xog ogaal ah oo Markaas ku sugnaa Goobta Qaraxa ayaa waxey sheegeen in Ninka Isqarxinta loo adeegsaday ahaa Nin "Jokoraa" (Kuwa Qashinka baartah) ah.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo buux dhaafiayay Ciidamada Amaanka.

Faahfaahin Filli dhawaan

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi