Qasaaraha ka dhashay weerarkii garoonka Buulo-burde

Axmed Mahad Nuur oo ah guddoomiyaha degmada Buulo-burde ayaa tilmaamay in subaxnimadii saakay, markii maamulka dagmada iyo ciidamada ay ku wajahnaayeen garoonka uu ka dhacay qarax ay Al-Shabaab hoos geliyeen matoor dhex yaalay garoonka.

Warar Keydmedia Online
Qasaaraha ka dhashay weerarkii garoonka Buulo-burde

BUULO-BURDE, Soomaaliya- Maamulka dagmada Buulo-burde ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyada lagu burburiyay dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha ee dagmadaasi.

Axmed Mahad Nuur oo ah guddoomiyaha degmada Buulo-burde ayaa tilmaamay in subaxnimadii saakay, markii maamulka dagmada iyo ciidamada ay ku wajahnaayeen garoonka uu ka dhacay qarax ay Al-Shabaab hoos geliyeen matoor dhex yaalay garoonka.

Dhismaha la qarxiyay ayaa  loogu talagalay dadka ka dhoofaya ama kasoo dagaya garoonka inay sii maraan , Muuqaalo laga soo duubay garoonka ayaa muujinaya burburka xooggan ee soo gaaray.

Guddoomiyaha dagmada ayaa ballanqaaday guddoomiyaha inay sameyn doonaan hubin joogto ah oo ay amniga garoonka kala kaashan doonaan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Qaraxyadii lagu weeraray dhismihii garoonka diyaaradaha ee Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu dhaac kazoo gaaray shan ruux. Dadkii qaraxa ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo.

Sannad kahor ayay Al-shabaab burburiyeen garoonka, tanina waxey qeyb ka tahay habacsanaanta amni eek a jirta garoonka iyo guud ahaan dagamada Buulo-burde oo ay go’doomiyeen Al-shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.