Qasaaraha rayidka oo sii kordhaya

Muqdisho (Keydmedia) Dagaaladii gabal dhicii maanta ka bilowday magaalada muqdisho ayaa waxaa aad u sii badanaya saacadba saacadda ka danbeysa qasaaraha shacabka gaaraya.
Warar Keydmedia Online
Qasaaraha rayidka oo sii kordhaya

Inkastoo gumaca rasaasta iyo daryanka Madaafiicda wali laga maqlayo qeyba ka mid ah magaalada gaar ahaan degmooyinka Boondheere iyo Shibis ayaa hadana waxaa soo baxaya warar muujinaya in qasaaraha rayidka uu aad u sareeyo.

Dadka degan degmooyinka dagaalka uu ka socdo iyo kuwa ka fogfogba ayaa caawa waxa ay wajahayaan xaalado cabsi ah oo aad u daran maadaama wali ay xabadi sii dhaceyso isla markaana dagaalka uu socdo.

www.keydmedia.net

Dagaalka oo wali socda ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 25 ruux iyadoona sida uu u sheegay Cali Muuse Shiikh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg dega ah Keydmedia.net tirada dhaawacyada ay qaadeen ay gaareyso ilaa 80 ruux oo rayid ah kuwaa oo rasaasta iyo madaafiicda ay waxyeeleysay.