Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Marka leyska hilmaamo qasaaraha kala gaaray dhinacyada xabada isku riday waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday 15 ruux oo rayid kuwaa oo afar ka mid ah ay ahaayeen caruur walaala ah oo uu madfac kula soo dhacay xera barakac oo ku taala agagaarka isbitalkii hore Digfeer.waxaana dhanka kale sida uu xaqiijiyay Cali Muuse Shiikh oo ah Madaxa gaadiidka gurmadka deg dega ah ku dhaawacmay 60 ruux oo rayid ah iska hor imaadyadaasi.
Afhayeeno u kala hadlay labada dhan Dowlada iyo xoogaga hubeysan ayaa waxa ay labaduba ku kala faaneen in dagaalka ay guula ka gaareen isla markaana ay jab weyn gaarsiiyeen dhankii ka soo horjeeday.
Inta badan marka ay Muqdisho ka dhacaan Dagaalada hubeysan ee u dhaxeeya dhinacyada iska hilmaamay xuquuqdii shacabka ayaa waxaa la maqlaa iyagoo raaiyaasha ka sheegaya intaas baan dilnay intaana waynu dhaawacnay, oo aan hadal kale wehlin, iyadoona ay muuqata kuwa dhimanaya in ay yihiin shacabka.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments