QM oo ka hadashay Shirka uu Farmaajo ku baaqey

Madaxweynaha ayaa shalay sheegay in Dhuusamareeb uu ka furmi doono Shir uu la yeelanayo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Warar Keydmedia Online
QM oo ka hadashay Shirka uu Farmaajo ku baaqey

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka QM ee Soomaaliya UNSOM ayaa soo dhaweeyay go'aanka Farmaajo ee ku aadan qabashadda Shirka looga hadlayo khilaafka doorashooyinka.

QM ayaa ugu baaqdey dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay tanaasul sameeyaan, islamarkaana mowqif loo dhan yahay ka gaaraan arrimaha doorashooyinka, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii Sep lagu gaarey Muqdisho, si wadanka looga badbaadiyo fowdo iyo dagaal.

Hadalka UNSOM ayaa yimid kadib markii shalay Farmaajo ku dhawaaqay in 1-da illaa 3-da Febuary uu kulan kula yeelan doono Dhuusamareeb madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana go'aankaas uu gaarey markii cadaadid kala kulmay Beesha Caalamka.

Lama oga in Madaxda Maamullada Jubbaland iyo Puntland ay ka qeyb gali doonaan kulanka Farmaajo ku baaqey, maadaama horey u diideen shirar noocan ah inay yimaadaan, iyagoo ku xiray shuruudo adag oo ay kamid yihiin in Ciidanka DF Gedo laga soo saaro iyo in la kala diro gudiyadda doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.