QM oo ku baaqday in la dadajiyo doorashada Soomaaliya

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaaliya in ay heshiis ka gaaraan qabsoomidda doorashooyinka “sida ugu dhakhsaha badan”.

Warar Keydmedia Online
QM oo ku baaqday in la dadajiyo doorashada Soomaaliya

MUQDISHO , Soomaaliya - Intii lagu guda jiray warbixintii uu siinayay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa sheegay in looga bahan yahay dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya in ay dib uga laabtaan wada hadalka oo ay ka fogaadaan go’aamada sii kala fogaanshaha abuurraya.

"Tani waa waqti lagu sii wadi karo wadahadal iyo isku tanaasul si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo si loo qabto doorashooyinka dalka sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember," ayuu yiri Swan.

Swan wuxuu ku celceliyay in ay lagama maarmaan tahay dhaqan galina heshiiski 17 Sebtember 2020 lagu gaaray Mugdisho si loo billaabo hannaanka doorashada ee soo xulidda Xubnaha Barlamaanka labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha,".

Francisco Madeira, oo ah madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa isaguna xusay shaqaaqadii Jimcihii hore ka dhacday Muqdisho wuxuuna sheegay in bilihii u dambeeyay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ahayd mid kacsan, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorasho lagu kalsoonaan karo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.