QM oo muddo kordhin u sameysay UNSOM

Qaraarka Golaha oo tirsigiisu yahay 2592 ayay u codeeyeen inuu noqonayo xilli howleedka cusub ee UNSOM, kaas oo idlaan doona bisha May 31-da ee sannadka 2022.

Warar Keydmedia Online
QM oo muddo kordhin u sameysay UNSOM

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee QM ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxa ay muddo kordhin u sameeyeen Hawl-galka QM ee Taageeradda Soomaaliya.

Waxay isku raaceen in UNSOM muddo sagaal bil ah loogu kordhiyo  howlgalkooda oo ku ekaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 31-ka bisha August 2021.

Qaraarka Golaha oo tirsigiisu yahay 2592 ayay u codeeyeen inuu noqonayo xilli howleedka cusub ee UNSOM, kaas oo idlaan doona bisha May 31-da ee sannadka 2022.

Waxaa lagu xusay inuu hawl-galka UNSOM sii wadayo xiriirinta dadaallada QM iyo inay Iskaashi buuxa la sameeyaan dowladda Soomaaliya, dowlad-gobaleedyada iyo dhammaystirka heshiiskii laga gaaray nidaamka doorashada ee Soomaaliya.

UNSOM, waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay ka shaqeeyaan doorashooyin xor ah, xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay, si waafaqsan heshiisyadii 17kii Sebtember 2020 iyo 27kii Meey 2021 iyada oo aan dib u dhac kale la sameyn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.