QM oo soo dhawaysay tallaabo uu qaaday RW Rooble

War-saxaafadeedka Qaradmada Midoobay lagu balan qaaday taageero la sii doono haweenka soomaaliyeed, si ay u helaan qoondadooda iyo xuquuqda ay ku yeelan doonaan Barlamaanka soo socda.

Warar Keydmedia Online
QM oo soo dhawaysay tallaabo uu qaaday RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey tallaabadii uu shalay qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, oo ah magacaabida guddiga ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, doorashooyinka golayaasha Barlamaanka labada aqal.

War-saxaafadeedka Qaradmada Midoobay lagu balan qaaday taageero la sii doono haweenka soomaaliyeed, si ay u helaan qoondadooda iyo xuquuqda ay ku yeelan doonaan Barlamaanka soo socda.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu  magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u taageerayso ka qeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadkooda doorashooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay  magacaabay guddi xaqijinaya qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyhiin kuraasta Baarlamaanka 11-aad, kaas oo la filayo in ay dhawaan doorashadiisu ka billaabato dalka.

Guddigaan oo ka kooban 13-ka xubnood waxaa ku jira hal rag ah halka inta kale ay dhamaantood yihiin dumar, waxaana guddoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ku magacaaban guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.