QM oo war kasoo saartay kulankii Afisiyooni

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa caawa war kasoo saaray shirkii hordhaca ahaa ee maanta ka billowday teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
QM oo war kasoo saartay kulankii Afisiyooni

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa caawa war kasoo saaray kulamadii hordhaca u ahaa shirka lagu wado inuu ka furmo Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Warbixin kooban oo lagu soo qoray bogga rasmiga ah ee ay ku leeyihiin Facebooka -ga iyo Twitter -ka ayaa lagu yiri "Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob jog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka" 

Xafiisku wuxuu udiray baaqyo ka qeyb galayaasha shirka waxa uuna kula taliyay in lasii wado kulamada gaarka ah "Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September." ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Qaramda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.